Jaaliyadda Soomaalida Minnesota oo xaflad taageero ah u dhigtay ururka

Jaaliyadda Soomaalida Minnesota oo xaflad taageero ah u dhigtay ururka

Category : English News

Jaaliyadda Soomaalida Minnesota oo xaflad taageero ah u dhigtay ururka


“Isniin, September 22, 2014 (HOL) — Xaflad lagu taageerayay ururka dib-u-dhiska Somalia ee loosoo gaabiyo SRO oo ah urur samafal ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.”

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb-galay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaliyeed ee gobolka ku nool, waxayna taageero buuxda u muujiyeen ururkan iyo sidii loo horumarin lahaa wax-qabadkiisa.

Martidii lagu hadallada ka jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa; Sheekh Xasan Jaamici, Prof. Siciid Saalax Axmed, Sheekh C/risaaq Xaashi, Prof. C/qaadir Axmed Calasoow, Sheekh Sacad Muuse Rooble, Fartuun Wali, Sheekh Axmed Buraale, Sadik Warfa, Sheekh Axmed Taajir iyo C/casiis Maaxaay.

Hawl-wadeennada ururka ayaa ka dalbaday qurbo-joogta Minnesota iyo nawaaxigeedaba sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen taageerada bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca waxbarshada iyo caafimaadka. Waxayna sharxaad ka bixiyeen qaabka ay is-leeyihiin way ugu haboon tahay in looga qayb-qaato taageerooyinkan, iyagoo xusay inuu qorshahoodu yahay in qof walba oo arrintan daneynaya uu ugu deeqo uruka bishii laba doolar $2.00 oo keliya.

Cumar Nuur oo u hadlay ururka ayaa ku nuuxnuuxsaday in goolka ururka uu yahay inay helaan konton kun 50,000 oo ruux oo midkiiba uu bixinayo labo doollar, ayna lacagtaas gaari doonto meeshii loogu talo-galay isagoo intaa ku daray in lacagta ay bixin doonaan wakiilka hay’adda iyo imaamka masjid ku yaalla magaalada, taasoo wax looga qaban doono dib u dhiska Somalia.

“Arrintan waxaa nagu khasbaya baahida ay noo qabaan dadkeena iyo weliba dalkeenna,” ayuu yiri Cumar Nuur oo ka mid ah mas’uuliyiinta ururka SRO oo goobta ka hadlayay.

Culummadii madasha ka hadashay waxaa ka mid ah; Sheekh Axmed Taajir oo ah imaamka masjidka Umatul Islaam, isagoo dadka ku wacdiyay aayado iyo axaadiis munaasab ah oo uu uga gol lahaa in la taageero ururka, lagana qayb-qaato waxtarka ummadeenna iyo sidii ay u noqon lahaayeen dad wax-tar ah oo kasoo baxa kaalinta waxqabad ee uga aaddan dadkooda iyo dalka. Sidoo kale Sheekhu wuxuu ka codsaday dadweynihii soo xaadiray kulankan laba qodob oo kala ahaa inay noqdaan talo-keen ama taageere.

Abwaan Saciid Saalax Axmed oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa yiri. “Wax wanaagsan ayaa naloogu yeeray. waxaana goobta joogta culumadii oo inaga dhargiyay caddeynta iyo wanaagga waxtarnimadu ay leedahay. Muuqaal ahaana aniga waxaa ii muuqda inaynu taas ayidno taasoo macnaheedu yahay; inaynu ku raacno kalimadda oo aanu rumeysanno.”

Sidoo kale, Abwaanka ayaa intaas ku daray in ururka dib u dhiska Somalia uu dooratay magac weyn ayna waajib ku tahay inuu qof walba dareemo oo ay garab-istaagaan.

Wuxuu kaloo abwaanku ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay tacliinta isagoo talooyin iyo tusaale cajiib ah ka bixiyay, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa. “Waa in lagu dadaalo saddexda qodob ee aasaasiga ah ee tacliintu ay ka shaqayso; waana isku dheelli-tirka iyo kobcinta jirka, maskaxda iyo laxawga. Marka qofku uu saddexdaas ka dhismo ayuu wax-gartaa, awoodna leeyahay. Tacliintu waxay dhistaa hanka qofka iyo shakhsiyaddiisa, taasoo ah mid aad muhiim u ah, makaas ayuuna soo baxaa qof dhamaystiran.”

Ururka dib-u-dhiska Soomaaliya waxaa la aasaasay sanadkii 2012-kii iyadoo ujeedadiisu ay tahay sidii looga caawin lahaa Soomaaliya dalka ku nool inay helaan waxbarasho dhameysitran iyo caafimaad.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
E-mail: siyadsalah@hotmail.com
Minneapolis, Minnesota, USA

– See more at: http://hiiraan.com/news/2014/Sept/wararka_maanta22-48419.htm#sthash.swsc1xD8.dpuf


Leave a Reply

Fatal error: Uncaught TypeError: call_user_func_array(): Argument #1 ($callback) must be a valid callback, non-static method WP_Feed_Cache::create() cannot be called statically in /customers/2/2/e/somaliarebuild.org/httpd.www/wp-includes/SimplePie/Registry.php:214 Stack trace: #0 /customers/2/2/e/somaliarebuild.org/httpd.www/wp-includes/class-simplepie.php(1412): SimplePie_Registry->call('Cache', 'get_handler', Array) #1 /customers/2/2/e/somaliarebuild.org/httpd.www/wp-includes/feed.php(821): SimplePie->init() #2 /customers/2/2/e/somaliarebuild.org/httpd.www/wp-includes/widgets/class-wp-widget-rss.php(64): fetch_feed('http://www.who....') #3 /customers/2/2/e/somaliarebuild.org/httpd.www/wp-includes/class-wp-widget.php(380): WP_Widget_RSS->widget(Array, Array) #4 /customers/2/2/e/somaliarebuild.org/httpd.www/wp-includes/widgets.php(805): WP_Widget->display_callback(Array, Array) #5 /customers/2/2/e/somaliarebuild.org/httpd.www/wp-content/themes/enigma/sidebar.php(3): dynamic_sidebar('sidebar-primary') #6 /customers/2/2/e/somaliarebuild.org/httpd.www/wp-includes/template.php(730): require_once('/customers/2/2/...') #7 /customers/2/2/e/somaliarebuild.org/httpd.www/wp-includes/template.php(676): load_template('/customers/2/2/...', true, Array) #8 /customers/2/2/e/somaliarebuild.org/httpd.www/wp-includes/general-template.php(136): locate_template(Array, true, true, Array) #9 /customers/2/2/e/somaliarebuild.org/httpd.www/wp-content/themes/enigma/single.php(24): get_sidebar() #10 /customers/2/2/e/somaliarebuild.org/httpd.www/wp-includes/template-loader.php(106): include('/customers/2/2/...') #11 /customers/2/2/e/somaliarebuild.org/httpd.www/wp-blog-header.php(19): require_once('/customers/2/2/...') #12 /customers/2/2/e/somaliarebuild.org/httpd.www/index.php(17): require('/customers/2/2/...') #13 {main} thrown in /customers/2/2/e/somaliarebuild.org/httpd.www/wp-includes/SimplePie/Registry.php on line 214